Duulaanka Turkiga ee Waqooyi Bari Suuriya oo ruxay aduunka

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay in uu bilowday gulufka ay ciidamada wadankaas ka fulinayaan Waqooyi Bari ee Suuriya.

Duulaankan oo uu Turkigu ula baxay "Howlgalkii Faafinta Nabadda" ayna ku wehliyaan Ciidamada Qaranka Suuriya ayaa waxaa lagu beegsanayaa ururka Daacish iyo falaagada PKK/YPG.

"Howlgalkeena wuxuu ka hortagayaa argagixisada in ay gabaad ka sameystaan xuduudkeena Koonfureed, wuxuuna halkaas ka dhigayaa aag nabad ah," ayuu Erdogan yiri.

Warar horudhac ah ayaa muujinaya khasaaro soo gaarey xoogaga la bartilmaameedsanayo iyo dhimashadda rayid, inkasta oo tiradda saxda ah aanan wali la tirokoobin.

- Falcelinta aduunka -

Isla markii uu howlgalku bilowday ayaa waxaa uu gilgilay aduunka. Hogaamiyeyaal, dalal iyo ururo caalami ah ayaa ka falceliyay.

Dowladaha Iiraan, Holland iyo Gaashaanbuurto NATO ayaa waxay ku booriyeen Turkiga in uu dulqaadan badan muujiyo.

Sacuudiga iyo Masar oo cambaareeyay ayaa si isku mid ah u muujiyeen walaac, iyaga oo xusay in uu khatar ku yahay amniga gobolka.

Faransiiska ayaa walwal badan ka muujiyey, halka Jarmalka uu ku nuux-nuux saday in howlgalka uu carqalad ku yahay dagaalka ka dhanka ah maleshiyaaka la baxay dowladda Islaamka.

Madaxweyne Donald Trumo ayaa "feker xun" ku tilmaamay duulaanka xukuumadda Ankara, isaga oo carabka ku adkeeyay in ciidamada Mareykanka aysan ka bixi doonin Suuriya.

Qaramada Midoobay iyo ururka Jaamacadda Carabta oo walaaca muujiyey ayaa waxay soo jeediyeen in la badbaadiyo dadka shacab ah oo korkooda lagu dul-dagaalamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM