Duulimaadkii ugu horeeyay Israel oo cagadhigtay Imaaraadka

Image
Image

ABU DHABI, UAE - Duulimaadkii ugu horeeyay oo ganacsi ah kana soo baxay garoonka Yahuuda ee Ben Gurion ayaa Isniinta maanta ah wuxuu cago-dhigtay Imaaraadka Carabta. Diyaaraddan waxay adeegsatay hawadda dalka Sacuudi Carabiya.

Duulimaadka El Al waxaa la socday wafdi Israa'iil ah oo uu hogaaminayey lataliyaha amniga, Meir Ben-Shabat, iyo diblumaasiyiin Ameerikaan ah oo uu horkacayey Jared Kushner, oo uu sodog u yahay madaxweyne Donald Trump ahna lataliyihiisa gaarka.

Kushner oo war-fidiyeenka kula hadlay madaarka ayaa duulimaadkan ku qeexay "talaabo taariikhi ah" oo ay daawatay dunida Carabta iyo Islaamka.

"Tani waa rajo aad u weyn, waxaana aaminsanahay in ay nabad iyo barwaaqo u horseedeyso gobolka [Bariga Dhexe] iyo guud ahaan caalamka," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay xafiiska ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, kulan saddex geesood ah ayna qayb ka yihiin wakiilo ka kala socda dowladaha Mareykanka, Imaaraadka iyo Israa'iil ayaa ku qabsoomi doono magaalada Abu Dhabi.

Ra'iisul wasaaraha Falastiiyiinta, Mohammed Shtayyeh oo xusay in dadkiisa ay la yaabeen duulimaadkan, ayaa yiri "Waxay xanuun aad u daran u tahay Falastiiyiinta in ay arkaan diyaarad laga leeyahay Israa'iil oo ka dageysa garoon Imaaraadka leeyahay".

Bishaan August, 13-keeda aya ahayd markii Imaaraadka iyo Yahuuda ay ku dhawaaqeen heshiis Mareykanka garwadeen ka ahaa kaasoo ay cilaaqaadkooda ugu soo celiyeen xaalad dabiici ah isla markaana dib u furayaan safaaradahooda.

Kooxaha u ololeeya qadiyada Falastiiyiinta ayaa ku cambaareeyay Imaaraadka heshiiskaas ay sheegeen in uusan u adeeganeyn arrimahooda isla markaana uu inkirayo xuquuqda aas-aasiga ah oo ay u dagaalamayeen sanadihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM