Duulimaadyada oo laga mamnuucay hareeraha hoyga Joe Biden

Image

WASHINGTON, US – Diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in ay dulmaraan hoyga murashaxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ee magaalada Wilmington ee gobolka Delaware ayaa la kordhiyey, sidda ay ku warantay saxaafada.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, xayiraadan waa mid ku meelgaar ah, waxayna la xiriirtaa xaqiijinta ammaanka madaxweyne ku xigeenkii hore ee USA.

Markii uu noqdey murashaxa dimuqraadiga, diyaaradaha waxaa codsi ka yimid ciidanka sirdoonka lagu faray in ay hal mile u jirsadaan guriga Biden.

Balse 4-tii bishaan November waxaa laga dhigay saddex mile; aakhiritaankii Jimcadii waxaa amarkaas la gaarsiiyey ugu yaraan illaa 11-da November.

Ciddii ku xadgudubta amarkaan ayaa waxay ku muteysan kartaa 12 bil oo xabsi heer federaal ah ama ganaax dhan $100,000, oo ay wehliso in duuliyeyaasha lagala noqon doono ama laga xayiri doono ruqsadda [shatiga].

"Xayiraadahan waa in aan loo arkin in ay saadaalinayaan balaayo, balse waa talaabo caadi oo lagu ilaalinayo amniga shaqsiyaadka siyaasiyiinta ee caanka ah," ayaa laga soo xigtay mas'uul xog u ogaal ah u ah go'aanadaas.

Sikastaba ha ahaatee, talaabooyinka dheeraad ah ee loo qaadayo sugida amniga Jeo Biden ayaa imaanaya xilli uu ku horeeyo natiijada doorashooyinka Mareykanka, isagoona aad ugu dhow in uu ka guuleysto Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM