Duulimaadyada oo laga mamnuucay hareeraha hoyga Joe Biden

Image

WASHINGTON, US – Diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in ay dulmaraan hoyga murashaxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ee magaalada Wilmington ee gobolka Delaware ayaa la kordhiyey, sidda ay ku warantay saxaafada.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, xayiraadan waa mid ku meelgaar ah, waxayna la xiriirtaa xaqiijinta ammaanka madaxweyne ku xigeenkii hore ee USA.

Markii uu noqdey murashaxa dimuqraadiga, diyaaradaha waxaa codsi ka yimid ciidanka sirdoonka lagu faray in ay hal mile u jirsadaan guriga Biden.

Balse 4-tii bishaan November waxaa laga dhigay saddex mile; aakhiritaankii Jimcadii waxaa amarkaas la gaarsiiyey ugu yaraan illaa 11-da November.

Ciddii ku xadgudubta amarkaan ayaa waxay ku muteysan kartaa 12 bil oo xabsi heer federaal ah ama ganaax dhan $100,000, oo ay wehliso in duuliyeyaasha lagala noqon doono ama laga xayiri doono ruqsadda [shatiga].

"Xayiraadahan waa in aan loo arkin in ay saadaalinayaan balaayo, balse waa talaabo caadi oo lagu ilaalinayo amniga shaqsiyaadka siyaasiyiinta ee caanka ah," ayaa laga soo xigtay mas'uul xog u ogaal ah u ah go'aanadaas.

Sikastaba ha ahaatee, talaabooyinka dheeraad ah ee loo qaadayo sugida amniga Jeo Biden ayaa imaanaya xilli uu ku horeeyo natiijada doorashooyinka Mareykanka, isagoona aad ugu dhow in uu ka guuleysto Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM