Erdogan oo ka hadlay Istanbul

Image

Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyay dowladda Turkiga, iyaga oo isugu soo baxay Istanbul, Ankara.Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Mr Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag. Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”. 

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” ka dib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka. 

Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda. 

Weriyaha warka baahisay ayaa sheegtay in qori lagu hayay marka ay akhrineysay. Kumannaan qof oo diidan isku-dayga afgembi ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul iyo Ankara. 

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in 17 askari oo boolis ah lagu dilay xarunta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ankara. 

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga, waxaana uu u sheegay in Maraykanka uu taageersan yahay dowladda dimuqraadiga ah ee Turkiga. 

Waxaa taageera noocaasi ah Turkiga u muujiyay dalalka Jarmalka, Ruushka, iyo Qatar.

BBC

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM