​Erdogan oo ka qayb galay bannaanbax ka dhacay Ankara

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyyib Erdogan ayaa ka qayb galay bannaanbax ballaaran oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasumadda waddankaasi.

Isu-soobaxan oo ay ka qayb galeen madaxda dalka Turkiga, hogaamiyaasha axsaabta mucaaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa loogasoo horjeeday inqilaabkii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay bartamaha bishii hore.

Dadka ayaa ku labisnaa calanka Turkiga, halka kuwo kale soo xirteen maskaraatiyo loo ekeysiiyay muuqaalka Madaxweyne Erdogan.

Khudbad dheer ayuu Madaxweynaha waddankaasi u jeediyay bulshadii bannnaanbaxa kasoo qayb galay, wuxuuna ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda islamarkaana meel ugasoo wada horjeesta kuwo uu ugu yeeray inay la dagaallamayaan dimuqraadiyadda Turkiga.

Wuxuu Recep khudbaddiisa ku sheegay in la cirib-tiri doono kuwa taageersan wadaadka baxsadka ah ee Fethullah Gulan, isagoo tilmaamay in dib loo soo celin doono sharciga qisaasta ee la mamnuucay sannadkii 1984-tii, waase haddii Barlamanku ogolaado.

Qorshahan, waxaa ka hor-yimi dalka Jarmalka oo sheegay inay wiiqi doonto rajada dalkaasi kaqabo inuu ku biiro Midowga Yurub.

Bannaanbaxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee dalkaasi ka dhaca taariikhda, waxaana lagusoo beegay xilli xukuumadda Ankara xarig iyo shaqo ka cayrin ku wajahday dhammaan dadkii lagu tuhmay Afgambigii dhicisoomay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM