Erdogan oo ku dhawaaqay qorshe ciidamo loogu dirayo Liibiya

Image

ANKARA, Liibya - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan militariga dowladda ay caalamku aqoonsan tahay ee Liibiya, oo ku yaalla waqooyiga Afrika.

Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in uu horgeyn doono sharciga howlgalka baarlamaanka Turkiga bisha January ee sanadka cusub 2020.

Madaxweynaha Turkiga ayaa go’aankan shaaciyay maalin kadib markii uu la kulmay shalay dhigiisa Tunisiya, Kais Saied, intii uu ku guda jiray booqasho lama filaan ah oo uu ku tagay caasimada Tunisia.

Erdogan ayaa wariyeyaasha ugu sheegay shir-jaraa'id Arbacadii shalay in ay ka wada-hadleen isaga iyo Madaxweynaha Tunisiya sidii xabbad-joojin looga hirgelin lahaa Liibiya iyo dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi dib loogu soo celiyo miiska wadahadalka.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay rabitaanka Turkiga ee ah inuu ciidamo u diro Liibiya, isagoo sheegay in Ankara ay difaaci doonto dowladda fadhisa Tripoli taasoo dagaal kula jirta mucaaradka.

Liibiya ayaa jahwareer ka jirtay tan iyo sanadkii 2011 markii kacdoon ay NATO taageertay uu xukunka ka tuuray taliyihii muddada dheer xukunka hayey Muammar Gaddafi.

Dowladda Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa waxaa duulaan kusoo qaadey malleeshiyaad uu hogaamiyo Khalifa Haftar oo gacanta ku haya gobollada ku yaalla bariga dalkaaasi, oo hodanka ku ah saliida.

Mareykanka, Imaaraadka, Masar, Sacduuiga, Ruushka iyo Faransiiska ayaa taageero siiya Jeneraalka awooda badan ee Khalifa Haftar, kaasoo maamula qaybo badan oo Liibya ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM