​Ethiopia: Mudaharaadyada oo galay maalintii Saddexaad

Image

Dad badan ayaa loo malaynayaa in ay ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen magaalada Bahir Dar ee ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Itoobiya, kaddib markii ay isku dhaceen booliiska iyo dad mudaaharaada

Jimcihii booliiska ayaa dad ku xirxiray magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa kaddib markii ay mudaaharaad ka dhigeen

Dawladda ayaa la kulmaysa mudaaharaadyo waawayn oo ay dhigayaan labada qawmiyadood ee ugu waawayn dalka Itoobiya oo kala ah Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo ka caraysan arrimo la xiriira dhul iyo in lagu tuntay xuquuqdoodii.

Dhanka kalana baraha ay bulshadu ku xiriiraan ayaa laga xiray dalka oo dhan, intaba badana internerka ayaan shaqaynayay tan iyo jimcihii.

Booliiska magaalada Bahir Dar ayaa rasaas cirka u riday ,sunta dadka ka ilmaysa isticmaalay si ay ukala eryaan kumanaan dad ah oo jidgooyooyin dhigtay wadooyinka iyaga oo qaadayo hal ku dhagyo ka dhan ah dawladda.

Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in dadka mudaaharaadaya ay hanti burburiyeen ayna isku dayeen in ay xafiisyada dawladda ka taagaan calankii hore ee Itoobiya.

Wararka qaar waxay sheegayaan in tiro dad ah lagu toogtay oo lagu dilay halkaas laakiin tiro rasmi ah wali lama hayo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay indhihiisu qabteen saaxiibkii oo laamaha ammaanku ay madaxa ka toogteen.

Habeenimadii xalay ahayd mudaaharaadyo waawayn ayaa ka sii socday gobolka Oromada ee ugu wayn dalka Itoobiya, booliiskuna dad badan ayay xireen.

Dawladda ayaa mudaaharaadyada ka mamnuucday dalka oo dhan.

Inkastoo mudaaharaadyadu ka bilawdeen walaac dhanka dhulka, hadana waxaa ku darsamay mawduucyo ay ka mid yihiin takoor, xabsi aan kala sooc lahayn iyo eedaymo sheegaya in la dilayo mudaaharaadayaasha.

BBC

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM