EU oo adkaynaysa xuduudaha laga soo galo

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa ku kulmay caasimadda dalka Belgium ee Brussels iyaga oo ka baaraandegaya inay ciidamo gaadhaya illaa 400 oo askari u diraan si ay u ilaaliyaan xuduudaha ay ka soo gelayaan dadka socotada ahi.

Sidoo kale waxaa Midawga Yurub ay ka fekerayaan inay abuuraan goobo dadka lagu baadho oo laga hirgeliyo wadamada laga soo galo ururka Midawga Yurub.

Qorshahan Qabyada ah ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub ay qaadayaan dedaallo degdeg ah oo lagu adkaynayo ammaanka xuduuddaha Midawga Yurub. 

Sida ay tebinayso wakaaladda Wararka ee Reuters, qorshahan weli laguma heshiinin.

Arrimaha kale ee Midawga Yurub ay isla jeexjeexayaan waxaa ka mida sidii ay maraakiib dagaal ugu diri lahaayeen xeebaha dalka Giriiga.

Xigasho: VOA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM