Fahfaahin cusub oo laga soo saarey xaalada caafimaad ee Boris Johnson

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa xaaladiisa caafimaad ay kasoo rayneysaa balse wali wuxuu ku jiraa daryeelka deg-deg ah, sidda uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiskiisa.

"Isbiiridkiisu waa mid aad u wanaagsan," ayuu war-saxaafadeed ku yiri Talaadadii. Johnson waxaa Isbitaal la dhigay fiidkii Axadda.

Waqtigaas, guriga looga armiyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in sababta loola cararay Isbitaalka ay tahay in ay ku adkaatey neefsashada.

Dhawaqaas ayaa yimid todoba maalmood kadib markii laga helay Coronavirus. Calaamadaha kasoo muuqdey waa xuumad iyo qandho daran, sidda uu Boris ku sheegay muuqaal uu ku xaqiijiyey cudurka.

Ingiriiska ayaa soo wariyey in ka badan 55-kun kiis oo Covid-19 ah. Dhimashadda waxay kor-u-dhaafeysaa shan kun oo ruux.

Cabsida laga qabo in ay sii kororto waa mid sareysa, sidda ay ka dhawaajiyeen saraakiisha caafimaad ee dowladda xulatay.

Sikastaba, Boris Johnson ayaa kamid noqonaya hogaamiyeyaal xilal haya iyo kuwa horey u soo qabtay oo cudurka qaadey, balse waxaa calaamad su'aal ay dul-saaran tahay in uu kasoo kici doono iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM