Fahfaahino laga helay qarax ka dhacay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Qaraxii Jimcadii ka dhacay magaaladda Nashville ayaa laga yaabaa inuu ahaa ismiidaamin, sidda ay warbaahinta maxalliga ah ee Mareykanka kasoo xigatay saraakiisha dhanka ammaanka.

Baarayaasha ayaa bilaabay baaritaano DNA ah kadib markii meyd laga helay meel u dhow goobta qaraxa xooggan ka dhacay.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, ciidamadda ayaa Sabtidii waxay baareen guriga qof degan xaafadda Antioch ee magaaladda. Hasa ahaatee, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay talaabadda.

Bogga Newsweek ayaa wariyey in ciidamadda ay isku dayayaan in ay aqoonsadaan hooyadda dhashay ruuxa ay meydkiisa heleen. Saraakiishu waxay xuseen in ay illaa haatan heleen 500 dheecaano oo la xiriira qaraxa.

Qaraxa ayaa sababay dhaawaca seddex qof isla markaana carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee ismaamulka Tennessee iyo afar gobol kale. Burbur xoogan ayuu gaarsiiyey dhismeyaal ka akdhowaa aaggaas.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee laga lahaa qaraxaas. Sidoo kale, ma jirto cid illaa haatan dusha u ridatay mas'uuliyadda falkaas.

Dhanka kale, ganacsato iyo mulkiileyaal telefishino ayaa ku tabarucay in ka badan $300,000 (£ 224,000) si loo soo qabto kuwa mas'uulka ka ah falkaas keenay in ay heegan galaan ciidamadda nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM