Falastiiniyiinta oo soo dhaweysay codeyntii UN-ka ee Calankooda

Image

11 September, 2015(GO)-Dowladda Falanstiin iyo shacabkeeda ayaa soo dhaweyay codaynta QM ee ka mid ahaanshaha calanka Falastiin  calamada suran dibedda xarunta UN-ka.

Riya Mansur oo ah safiirka u jooga Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in codeyntaasi ahayd mid taariikhi ah, astaanna u noqonaysa dadaalada lagu doonayo in la helo dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Arintaasi waxa gaashaanka u daruurtay Israa'il oo sheegaysa inaysan waxba ka badali doonin dadka reer Falastiin iyo xukuumadooda, waxaana safiirkooda QM Ron Prosor uu tilmaamay inay hamigooda dowladnimo ku gaari karaan wada hadal ay la yeeshaan Israa'il.

Falastiiniyiinta ayaa dadaal ugu jira siday u heli lahaayeen awood dhanka QM midoobay ah si  wax looga qabto dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo dhulka reer Falastiinm waxayna arinta u tahay sida ay sheegayaan guul taariikhi ah oo ay heleen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM