Fanaanadda Janet Jackson oo qaadatay diinta islaamka

Image

21 Septembar, 2015(GO)-Fanaanada caanka ah ee reer Maraykan Janet Jackson  oo la dhalatay fanaankii geeriyooday Michael Jackson ayaa qaadatay diinta islaamka sida ay shaacisay jariirada The Sun.

Janet Jackson oo haatan 49 jir ah, ayaa sanadkii 2012 guursatay maalqabeen u dhashay wadanka Qadar oo lagu magacaabo Wissam Al Mana.

Fanaanadaan ayaa muddo dhowr sano ah la noolayd qoys muslim ah, iyadoo ugu dambayn ku dhowaaqday inay islaamtay, qoyskeedana waxaa la sheegay inay ku taageereen doorashadeeda islaamka.

Sanadkii 2012 ayay Janet Jackson ku dhowaatay inay qaadato diinta islaamka, waxayse ku qaadatay waqti badan inay barato diinta islaamka kahor inta aysan kusoo biirin.

Fanaanadaan ayaa waqti badan nolasheeda kusoo qaadatay heesaha iyo dheesha qoob ka ciyaarta.

Isla xilligan fanaanada Janet ayaa laga saaray bandhiga la yiraahdo  iHeart Radio ee todobaadkaan dhammaadkiisa ka dhicidoona wadanka Maraykanka, kaasoo loo qorsheeyay inay sameeyaan kooxda  MGM Grand Garden Arena oo ay wehliyaan fanaaniin kalle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM