Faransiiska oo weeraray ururka IS

Image

27 September, 2015(GO)-War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu sheegay in la weeraray goobo ay ku sugnaayeen kooxda IS.

Xafiiska madaxweynuhu waxaa uu xusay in Faransiisku fuliyeen duqeyn ku saleysan macluumaad la soo uruuriyay muddo laba toddobaad ah oo sirdoonkoodu ku lug lahaa.

Qoraalka , waxaa lagu xaqiijiyay waxa loogu yeeray sida adag ee Faransiiska uga go'an tahay inay la dagaallamaan kooxda IS, iyagoo sheegay inay duqayn doonaan kooxda mar kasta oo ammaanka qaranku khatar galo.

Arrinta ka soo baxday dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu sheegay in boqolaal rayid reer Suuriya ah ay waxyeelleeyeen ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-Asad.

Xubno sar-sare oo ka tirsan IS ayaa Faransiiska ka dhigtay bartilmaameed, waxayna ku soo beegmaysaa xilli boqollaal muwaadiniin Faransiis ah la rumaysan yahay inay u dagaallamayaan kooxaha islaamiyiinta mayalka adag ee gobolka Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM