Faransiiska oo xoojinaya fulinta siyaasad ay Muslimiinta dhibsadeen

Image

PARIS, France – Ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Faransiiska, Jean Castex, ayaa wuxuu wacad ku maray in uu "si hagar la'aan ah" u difaaci doono siyaasada France ee ku dhisan in la kala saaro Diimaha iyo Dowladnimada.

Isagoo golaha dadweynaha u soo bandhigay barnaamijka dowladiisa, Castex, oo siyaasadiisu tahay midigta dhexe, ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay xukuumadiisa gacan bir ah ku qaban doono "Islaamnimada xagjirka ah".

"Jamhuuriyadda Faransiiska waxay adkeyn doontaa xididaheeda iyaddoo sifeyneysa dhamaan cadowgeeda – argagixisada, halisaha sirdooneed, gooni u goosadka iyo wadaadada," ayuu raaciyey.

Dhamaadka xagaagan ayuu daboolka ka qaaday in lasoo saari doono sharci cusub oo lagula dagaalamayo "gooni-u-goosashadda".

"Ujeedka waa in laga fogaado kooxaha doonaya in ay u sii dhawaadaan qowmiyadaha ama diimaha," ayuu hadalkiisa ku daray.

Kadib banaanbaxyo ka dhan ah falalka faquuqa iyo jirdilka booliska, madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka digay ololaha cursinimada, wallow uusan fahfaahin bixin.

Ururada Muslimiinta Faransiiska oo dareemaya in laga tirro badan yahay ayaa ku doodaya in siyaasadda waddankaas ee kala saarida Diimaha iyo Dowladnimada ay tahay mid iyaga lagu beegsanayo.

Wallow ay dhowr jeer codsadeen in wax ka bedel lagu sameeyo siyaasaddaas, dowladda ayaanan dheg-jalaq dalabyadooda.

Sikastaba ha ahaatee, Islaamka waa diinta labaad ee dadka ugu badan ay haystaan gudaha waddanka Faransiiska marka laga soo tago Masiixiga oo koowaad ah. Tirada Mislimiinta dalkaas ku nool waxaa lagu qiyaasaa 4,155,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM