Weerarkii Capitol-ka oo la baarayo in ay dalal maleegeen

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda sirdoonka FBI-da ayaa baareysa in dowladaha shisheeye, ururo ama shakhsiyaad ay taageero dhaqaale siiyeen dadkii gacan ka geystay qorshaynta iyo fulinta weerarkii 6-dii Janaayo lagu qaaday xarunta Capitol, sidda lagu sheegay warbixin Axad ah.

FBI-da ayaa, sidda telefishinka NBC News kasoo xigtay sarkaal hore iy mid hadda shaqeynaya, waxay baareysa kharash dhan $500,000 oo lagu bixiyey bitcoin, taasoo u muuqata in muwaadin Faransiis ah uu siiyey shaqsiyaadka muhiimka ka ah kooxaha midigta fog ka hor rabshadaha.

Lacag bixinta la diiwaangeliyey waxaa asbuucii hore ku daabacday internetka shirkad falanqeysa wareejinta cryptocurrency-ka. Lacagta lagu bixiyey Bitcoin waa la raadin karaa sababtoo ah waa kuwa daahfuran.

Sarkaalka hadda ka tirsan FBI-da ayay saxaafadda France laga soo xigtay inuu yiri "lacagta lagu diray bitcoin waxay u muuqataa inuu sameeyay nin u dhashay dalka Faransiiska oo barnaamij ka sameeya kumbuyuutar oo is-dilay 8-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ka dib markii uu ka carooday lacagta uu diray".

"Bixinta lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrency' ayaa ku kalliftay FBI-da inay baarto in mid ka mid ah lacagtaas loo isticmaalay in lagu maalgeliyo falalka sharci-darrada ah, taas oo, haddii ay run tahay, kor u qaadeysa suurtagalnimada lacag-isdabamarin iyo eedeymo shirqool," sarkaalka FBI-da.

Bishii Diseembar 8, Chainalysis waxay soo warisay in deeq-bixiyuhu u diray 28.15 BTC - oo u dhiganta qiyaastii $522,000 – waqtiga wareejinta - illaa cinwaanno 22 oo kala duwan, kuwaas oo badankood ka tirsan kuwa u ololeeya midig-fog ayaana laga tabarucay lacagahaas.

Mareegga 'Chainalysis post', oo markii ugu horreysay daaha ka rogtay Yahoo News, ayaa sheegay in Podcaster-ka midig ee fog Nick Fuentes uu helay lacagta ugu badan, 13.5 BTC - taasoo Doolar ahaan u dhiganta $250,000.

Dhanka kale, FBI, waaxda amniga gudaha iyo hay'addo kale oo federaalka Mareykanka kamdi ah ayaa todobaadkii horey waxay sheegeen in Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha ay ka faa'iideysteen rabshadaha xarunta baarlamaanka Mareykanka ayna ku dhex-mileen danahooda gaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Iiraan waxay u baryaysaa heshiis, waxaana miiska saaran inaan la wareegno saliidooda"

Trump ayaa ku faanay in hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan ay u socdaan si ka dhaqso badan sidii la filayay.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 06:07PM

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM