​Feeryahan Maxamed Cali oo Geeriyooday

Image

Waxaa goordhaweyd dalka Maraykanka gaar ahaan Arizona hospital, ku geeriyooday feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay, kaasi oo ku dhintay da'da 74 sano.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa xaqiijisay geerida Kalaay, waxayna sheegeen inuu muddooyinkii dambe la xanuunsanayay cudurka Parkinson oo ku dhaca habdhiska xidida qofka kaasoo saameyn ku yeesha dhaqdhqaaqa qofka iyo maskaxda sida ay u shaqeyso.

Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984-tii, afar sano kaddib markii uu ka fariistay ciyaaraha feerka.

Ninkan oo lagu naanaysi jiray "The Greatest", ayaa guulaystay ilaa 56 jeer halka laga raayay  shan jeer, isagoo ahaa Muslim diinta qaatay 1964-tii.

Kalaay oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maraykanka ayaa dhashay, January 17, 1942, wuxuuna ku dhashay  Louisville, Kentucky.

Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM