Gaaskii ugu badnaa oo la helay

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Baaritaan shidaal oo laga sameeyay dalka Masar ayaa markii ugu horeysay waxa lagu helay mid ka mid ah Gaaskii ugu badnaa adduunka ee dabiici ah.

Shirkad Talyaani ah oo qaabilsan dhanka shidaalka ee Eni ayaa sheegatay inay ka heshay gaaska 1,450m dhulka hoostiisa, ahna meel balaarkeedu yahay 100 sq km, waxaana ku jiri kara qiyaastii 5.5 bilyan oo barmiil shidaal u dhigma.

Shirkadan ayaa la saxiixatay  wasaarada batroolka ee Masar heshiis qiimahiisu yahay $2 bilyan kaasi oo u ogolaanaya inay shidaal ka baaraan Sinai, Gacanka Suez, Nile Delta iyo Mediterraniyanka.

Eni ayaa sheegtay in saldhiga Zohr inuu noqon karo kan ugu wayn ee gaas dabiici ah laga helay, wuxuuna Masar ka caawin karaa gaaska ay ubaahan tahay tobanaan sanadood.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM