Gabadha Madaxweyne Obama oo makhaayad ka shaqaynaysa

Image

Sasha Obama, gabadha uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa istareexii ay ku haysatay aqalka cad waxay ku beddelatay inay ka shaqayso makhaayad lagu iibiyo cunnada badda, sida ay warinayso warbaahinta Maraykanka.

Gabadha oo 15 jir ah ayaa shaqo xilliga xagaaga ah ka billowday inay raashinka ka iibiso makhaayadda Martha's Vineyard ee Massachusetts.Gabadha oo 15 jir ah ayaa shaqo xilliga xagaaga ah ka billowday inay raashinka ka iibiso makhaayadda Martha's Vineyard ee Massachusetts. 

Sasha oo isticmaalaysa magaceeda buuxa ee Natasha, ayaa waxaa makhaayadda u raacay koox ka kooban lix qof oo ka tirsan ilaalada aqalka cad ee loo yaqaanno 'Secret Service' sida uu qoray wargayska the Boston Herald. 

Magaalada ayaa ah goob ay tagaan reer Obama xilliga fasaxa xagaaga. Sawirro ayaa muujinayey gabadha ugu yar carruurta madaxweynaha oo ku labbisan funaanadda buluugga ah ee makhaayadda looga adeego iyo koofi, kana shaqaynaysa makhalka. 

Aqalka cad ayaan wax hadal ah ka soo saarin akhbaartaas, laakin marwada 1aad Michelle Obama ayaa ka hadashay inay isku dayayso in labadeeda gabdhood ay nolol caadi ah ku noolaadaan intii macquul ah. 

Kooxda amaankeeda ilaalinaysa ayaa lagu arkay iyagoo ku dhex sugaya gaari meel u dhow makhaayadda yaalla, ama fadhiya kuraasta, inta ay gabadha 1aad cunnada ka iibinayso dadka dalxiisayaasha ah.

BBC

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM