Gabar Soomaali ah kana tirsaneyd howlwadeenada BBC oo dhimatay

Image

LONDON, UK – Gabar Soomaali ah oo wariye ahayd kana tirsaneyd BBC-da qeybta dibadda la hadasha, Hanna Yuusuf, ayaa geeriyootay iyadda oo 27-sano jir ah. Ma cadda illaa iyo hadda waxay dhaliyey dhimashadeeda

Hanna oo ahayd saxafiyad da'yar oo tayo heer sarre leh ayaa kamid ahay qoraayaasha website-ka BBC-da qeybta English-ka. Shaqadeedii u dambeysay waxay ahayd baaritaan ay ku sameysay bakhaarada qaxwadda.

Marxuumadda, oo ahayd mid kamid ah xidigaha soo koraya idaacadda dowladda Ingiriiska hoostaga ee BBC-da, ayaa waxay ku hadli jirtay lix luqadood oo ay kamid yihiin afkeeda hooyo ee Soomaaliya, Carabiga iyo Dutch-ka.

"Akhbaarta ku saabsan geerida waxay murujisay dhamaanteena," sidaas waxaa yiri Fran Unsworth, agaasimaha BBC-da. "Waxaan tacsi u direynaa dhamaan qoyskeeda. Hanna wax badan ayaan tabeynaa".

Sanadka markii uu ahaa 1992-dii ayay ku dhalatay Soomaaliya. Balse waxay u soo wareegeen Ingiriiska kahor inta aysan kusoo barbaarin waddanka Holland.

Cilmiga la xiriira saxaafadda ayay ka baratay Jamaacadda Queen Mary, faracyadeeda wadamadda Faransiiska iyo Spain kahor inta aysan kasoo qalin-jebin City University of London oo ay ka baratay Saxaafada Wargeyska.

Sanadkii 2015-kii, waxay ku dhawaaqday go’aan aad loosoo dhaweeyay oo ku aadan in xiraneyso Xijaabka maadaama kadib markii ay warbaahinta soo gudashay ay gebi ahaanba meesha ka saartay arrinkaas.

La shaqeynta BBC-da oo qaybo kala duwan ay uga soo howlgashay ayay si rasmi ah u bilowday May 2017-kii. Kahor waxay lasoo shaqeysay wargeysyadda caanka kala ah; The Times, The Muslim News iyo Grazia Magazine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM