Gabar Soomaali ah oo London ugu geeriyootay fayruska Corona

Image

LONDON, UK – Nasro Cadde, gabar Soomaali ah oo 25-sano jir ah, ayaa Isbitaalka St George ee caasimadda Ingiriiska ee London ugu geeriyootay fayruska Corona, sidda uu xaqiijiyey qoyskeeda.

Marxuumadda oo qadarta ALLE ay u timid 17-kii April ee sanadkan 2020 ayaa la il-darneyd xanuuno kale. Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, waxay sidoo kale ku nooleed hal kali.

Qoyskeeda fursad uma aysan helin in ay la kulmaan, balse markii ugu dambeysay waxay ku macsalaameeyn xiriirka isgaarsiinta casriga ah ee internet-ka gaar ahaan App-ka loo yaqaano FaceApp.

Walaasheed, Fartuun, ayaa tiri "geerideeda waxay taabatay quluubta dad badan oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira".

Dhamaan dadka wanaaga iyo naxariista u rajeeyay qoyskeeda iyo Nasro ayay sheegtay in ay aad ugu mahadcelineyso.

Alle ha u naxariistee, Nasta oo ku dhalatay Soomaaliya ayaa Britain tegtay iyaddoo 11-sano jir ah, waxayna ku qaadatay waqti badan.

Tan iyo markii uu dilacay Covid-19, Isbitaalka St George waxaa ku dhintay boqolaal ruux oo uu soo ritay xanuunkaas.

Sidda ay muujineyso xog-uruurintii ugu dambeysay, Soomaalida ku dhaqan UK ee cudurka uu galaaftay ayaa kor-u-dhaafaya 50, waxaana kamid ah ra'iisul wasaarihii hore ee qaranka, Nuur Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM