Gabdho qorsheynayay dilka sagaal ruux oo lagu xiray Mareykanka

Image

FLORIDA, US – Laba gabadh oo 14-sano jir ah kuwaasi oo abaabulayay dilka Sagaal ruux ayaa lagu xiray gobolka Florida, wadanka Mareykanka.

Ardaydaan oo dhigta dusiga dhexe ee Avon Park ayaa haatan ku xabsi xili lagu wado in maxkamad lasoo taago.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabineysa in barre xiligaasi xiisad ku lahaa ardayda oo maamulka iskuulka kusoo war-geliyey arrintaan.

Macalinka ayaa lagu waramayaa in uu boorsada ardayda ka helay qoraal muujinaya in ay isku dabaridayeen weerar.

"Ha furin, waxaa ku jira macluumaad qaas ah," ayay laba hablood ku qeylinayay xiliga uu macalinka ka qaaday boorsada.

Lama ogga hadii qorshahooda uu ahaa mid xiriir la leh kooxaha argagixisada. Balse, baarayaasha ayaa aaminsan aysan taasi jirin.

"Warqadaha waxaa ku qornaa in ay helaan marka hore Hub … balse ma aysan jadwaleen goorta ay dadka dilayaan," ayuu yiri baraha.

Toogashooyinka ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka ahaa Mareykanka dhacdooyin maalinleh, taasi oo loo aaneeyay sharciga haysashada qoryaha oo fudud awgeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM