Gantaalo lagu garaacay safaarada Mareykanka ee Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq - Diblomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu bartilmaameedsaday seddex gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq ayaa xusay Arbacadii in 14 gantaal lagu garaacay saldhigga cirka ee Ciraaq oo ay joogaan askarta Mareykanka, waxaana ku dhaawacmay labo xubnood oo Mareykan ah.

In kasta oo aysan jirin sheegasho deg deg ah oo ku saabsan mas'uuliyadda weerarrada - qayb ka mid ah mowjadaha lala beegsanayo ciidamada Mareykanka ama meelaha ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya - waxay falanqeeyayaashu rumeysnaayeen inay qayb ka ahaayeen olole ay wadeen kooxo hubaysan oo ay taageerto Jamhuuriyadda Iiraan.

Ciidamada Mareykanka oo qeyb ka ah isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallama ISIL (ISIS), ayaa lagu bartilmaameedsaday ku dhowaad 50 jeer sannadkan dalka, laakiin maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo kordhay weerarada.

Kooxo hubaysan oo reer Ciraaq ah oo la safnaa Iran ayaa balan qaaday inay aargudan doonaan kadib duulaankii Mareykanka ee xadka Ciraaq iyo Syria ay ku dileen afar ka mid ah xubnahooda bishii hore.

"Laba qof ayaa lagu dhaawacay gantaalkii lagu tuuray saldhigga cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq," ayuu yiri afhayeenka isbahaysiga Mareykanka Colonel Wayne Marotto.

Gantaalada ayaa ku dhacay saldhiga iyo hareeraheeda. Korneylka wuxuu sheegay mar sii horeysay seddex qof inay ku dhaawacmeen. Hase ahaatee, waxaa jira warar khasaaro intaas kasii badinaya.

Isagoo faallo ka bixinaya wixii ka dambeeyay khasaaraha soo baxay Khamiista maanta ah, Wayne wuxuu yiri "weerar kasta wuxuu wiiqaa awoodda hay'adaha Ciraaq iyo madax-bannaanida".

Mareykanka ayaa wadahadalo aan toos ahayn la yeeshay Iran oo ujeedkiisu ahaa in labada qaranba dib loogu soo celiyo waafaqsanaanta heshiiskii nukliyeerka Iran ee 2015, kaasoo uu ka tagey madaxweynihii xilligaas Donald Trump. Wax waqti ah looma qabanin wareega xiga ee wadahadalada, oo dib loo dhigay 20-ka Juun sababo aan lasoo bandhigin illaa haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM