Gedo: Kenya oo duqeysey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab

Image

April 6, 2015 (GO)-  Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeeyey deegaanno ka tirsan gobolka Gedo una dhow xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay militeriga Kenya oo lagu magacaabo Col. David Obonyo ayaa sheegay in duqeymaha oo tiradoodu labo tahay ay dhaceen gelinkii dambe ee shalay iyo goor hore oo maanta ah, islamarkaana lala beegsadey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab.

Af-hayeenku wuxuu intaas raaciyey in duqeymahani jawaab u yihiin weerarkii Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa, isagoo xusey lagu diley tiro ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo duqeyntaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa afar maalmood kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab ku qaaddey Jaamacadda Gaarsia.

Weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 150 qof oo ardey u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM