Germany: gabdho looga shekiyey inay ku biiri lahaayeen IS oo la qabtay

Image

October 22, 2014 (GO)- Dalka Jarmalka waxaa lagu qabtay saddex gabdhood oo ka tegey magaalada Denver ee dalka Maraykanka islamarkaana la baadigoobayey sadexdii asbuuc ee ugu dambeeyey kadib markii looga shekiyey inay u safreen dalka Turkey si ay ugu biiraan kooxda IS.

Saddexda gabdhood oo labo asalkoodu Soomaali yahay midda kalena dalka Sudan kasoo jeedo waxaa dib loogu soo celiyey Maraykanka si ay qaraabadooda ula midoobaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha sirdoonka Maraykanka oo la hadlay VOA ayaa beeniyey inuu jiro xiriir ka dhexeeya saddexda gabdhood iyo kooxda xagjirka ah ee IS oo ku xooggan dalalka Syria iyo Ciraaq.

Af-hayeen u hadashay xafiiska FBI-da ee magaalada Denver oo lagu magacaabo Suzie Payne ayaa xaqiijisay in gabdhaha dib loogu celiyey qaraabadooda, iyadoo intaas raacisay in soo celintooda FBI-du qayb weyn ka qaadatay.

Magaalada Denver ee gobolka Calorado waxaa ku nool boqollaal Soomaali ah. Badi dadkaasi waxay ka shaqeeyaan wershadaha, gaar ahaan kuwa hilibka lagu qasacadeeyo.

Horay waxaa kooxda IS ugu biiray tobannaan dhallinyaro ah oo ka tegey Maraykanka iyo Yurub, kuwaasoo ay ku jireen qaar badan oo asalkoodu Soomaali yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM