Giriiga oo waqti kama dambeys ah loo qabtay

Image

Wadamada ku jira dallada Eurozone-ka, ayaa Giriiga u qabtay ugu dambeyn maalinta Jimcaha in uu kusoo bandhigo qorshe faahfaahsan oo wax looga qabayo deymaha dalkaasi loo haysto.

Dhammaan hogaamiyayaasha Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin kuwa aan ku jirin dallada Eurozone-ka, ayaa maalinta Axada kulan degdeg ah ka yeelan doona xiisadda dhaqaale ee hareysay Giriiga.

Ra'iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in madaxda dalalka Yurub uu u gudbiyay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan qaanbixinta.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu hadda marayo xaaladdii ugu adkeyd ee soo marta tan iyo markii la asaasay.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, waxa uu sheegay in ay la tahay in weli heshiis laga gaari karo xiisadda ka dhalatay deymaha Giriiga.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM