Jahwareer siyaasadeed oo ka dilaacay Talyaaniga

Image

ROMA, Italy – Ra'iisul wasaarihii Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa is casilay taas oo la macno ah in ay su'aal galeyso in uu awood u yeelan doono sameynta iyo hogaaminta dowlad wadaag cusub, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha wadankaas.

Conte ayaa si xoogan waxaa loogu dhaleeceeyay sidda uu u maareeyay dhibaatada safmareenka Coronavirus, ee ay ku dhinteen in ka badan 85,000 oo Talyaani ah.

Mr Conte wuxuu la kulmay madaxweyne Sergio Mattarella, oo laga yaabo inuu ka codsado inuu soo dhiso dowlad ka xoog badan. Toddobaadkii hore wuxuu lumiyay aqlabiyaddii Aqalka Senate-ka.

Laakiin qof kale ayaa noqon kara Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, ama doorasho deg deg ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa.

Professor-ka sharciga, oo madax ka ahaa dowladihii isbahaysiga ilaa 2018, wuxuu istiqaaladiisa u gudbiyay madaxweynaha. Haatan Mr Conte wuxuu qalalaasaha siyaasadeed kala hadlayaa hogaamiyaha Senate-ka, Elisabetta Casellati.

Mattarella ayaa la filayaa inuu laba maalmood wadahadal la galo madaxda xisbiyada, maadaama madaxweynaha ay u taalo go’aanka tallaabada xigta.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxda, madaxweynaha ayaa bilaabi doona la tashiyada hogaamiyaasha xisbiyada galabnimada Arbacada, halka Conte uu codsaday in uu sii ahaado sii haye inta wadahadaladu socdaan.

Laakiin mar haduu raiisul wasaare iscasilo Talyaaniga, lama hubo in isbaheysi cusub uu yagleelmi karo, had iyo jeerna waxaa qatar ah in doorashooyinka waqtigooda laga soo horumariyey ay kusoo nbaxaan natiijooyin aan macquul ahayn.

Xisbiyada ugu waaweyn ee xukuma waddanka Talyaanigu ayaa waxay ka digeen in doorashooyinka deg degga ah, oo qabsoomaya laba sano kahor waqtigooda rasmiga ah, ay noqon karto wadada kaliya ee looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed hadii aan xal degdeg ah loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM