Golaha Ammaanka oo Cambaareeyey Weerarkii Yemen

Image

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay dalka Yemen maalinimadii Arbacada halkaas oo lagu dilay illaa 31 qof isla markaana lagu dhaawacay 20 kale, saacado uun ka hor intii aanay bilaabmin bisha Ramadaan ee baraykasani.

Saddex masaajid oo ku yaalla magaalada Sanca ayaa ka mid ahaa bartilmaameedyo afar ahaa oo la weeraray.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ficil kasta oo argagixiso inuu yahay dembi aan lahay wax marmasiinyo ah, wixii doonaaba ha sababeene.

Waxaa Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay ku baaqay in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo abaabushay ama maalgelisay weeraradaas.

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo lagu fuliyey afar gaadhi oo laga buuxiyey walxaha qarxa. Waxayna ku sababeeyeen inay uga aargudanayaan kooxaha mucaaradka Shiicada ah.

XIGASHO:VOA

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM