Guurtida Somaliland oo diidey codsi uga yimi Silaanyo [Dhageyso]

Image

08 August ,2015 (GO)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta codeeyay inay ka diideen codsi uga yimid madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Codsiga oo ah in guurtida wax ka badalaan go'aankoodii hore ee mudo kordhinta ee dhigayay in doorashada la qabto sanadka 2017, ayna waafajiyaan heshiiskii saddexda xisbi iyo xukuumada ee dhigaya in doorasha la qabto December 2016.

Ku-simaha gudoomiyaha golaha guurtida, ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee guurtida Saciid Jaamac Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan ay la yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha guurtidu, laakiins la isku af-garan waayay.

GAROWEONLINE +BBC

 

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM