Haweenay loo xukumay in ay "aflagaadeysay" Erdogan

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taala Turkiga ayaa siyaasi mucaarad oo caan ah waxay sagaal sano iyo sideed bilood oo xabsi ah ay ugu xukuntay "in ay aflagaadeeysay" madaxweynaha iyo "faafinta afkaarka argagixisada".

Iyadda oo go’aanka uu soo baxay Jimcadii, Canan Kaftancioglu, haweenay xubin ka ah xisbiga CHP, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay "aflagaadeynta shaqaalaha dowladda; kuwa rayidka, dhiirogelinta nacaybka iyo cadowga".

Eedeymahan oo idil ayaa waxaa loogu soo jeediyay qoraal barteeda gaarka ee Twitter-ka ay soo dhigtay intii u dhaxeysay sanadihii 2012-kii illaa iyo 2017-kii.

Kaftancioglu oo si adag u beenisay eedeymaha ku xusan gal-dacwadeedkan kuna nuux-nuux-satay in aysan qalad-sameyn ayaa waxay ku adkeysatay in maxkamadeynteeda la siyaasadeeyay.

"Go’aanada ma ahan kuwa ay kaliya gaareen Maxkamadaha, laakiin waa kuwa ka yimaadey Madaxtooyadda," ayay boqolaal taageereyaasheeda kamid ah ugu sheegtay banaanka maxkamada kadib ku dhawaaqista xukunka.

Taageereyaasha oo u muuqday kuwa abaabulan iskuna soo baxay dibadda Maxkamadda ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Dowladda oo ay ku tilmaameen in ay tahay "mid shuuci ah".

Faallooyinka ay dacwad-oogeyaasha kusoo oogeen Kaftancioglu waxaa kamid ah mid ay ku dhaleeceynayso dhimashada wiil 14-sano jir ah oo ay haleeshay biyaha dadka ka ilmeysay intii uu socday isu soo bax weyn, 2013-kii.

Si lamid ah, haweenaydan ayaa waxay dhaliishay qaabka looga jawaabay isku daygii la doonayey in lagu afgembiyo xukuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadku markuu ahaa 2016-kii.

Ugu dambeyntii, qareenadeeda iyo xisbigeeda ayaa waxay sheegeen in aysan ka rajo dhigi doonin kiiskan, iyaga oo qaatay rafcaan ay doonayaan in ay meesha uga saareen xukunkan aadka u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM