Haweenay nooleed 99-sano xili xubno jirkeed kamida meel qaldan ka yaaleen

Image

OREGON, United State of America – Haweenay u dhalatay Mareykanka ayaa ku geeritootay da'da 99-sano jir iyada oo xubno kamida jirkeeda ay ka yaaliin, taasi oo ah xaalad naadir ah.

Rose Marie Bentley, oo geeritootay October 2017-kii, ayaa waxaa jirkeeda loogu deeqay qaybta cilmi baarista Jamaacad ku taalla magaalada Portland ee gobolka Oregon.

Ardaya baartay jirka ayaa ogaaday in xubno kamid ah jirka haweenaydaan aysan ku yaalin goobihii loogu talogalay, iyaga oo su'aal ka keenay in ay ku nooleed nolol raaxo leh.

Inkasta oo qaliin kala duwan horey loogu sameeyay, xaaladaan wali ma aysan soo if-bixin in ay ku nooleed.

Dhakhaatiirta ayaa intaasi ku daray in haweenaydaan ay awoodi kartay in ay sii noolaato wax badan balse uu cimrigeeda soo gaabisay xaaladaan, wallow geeridu ay qoran tahay.

"Beerkeeda, caloosha iyo xubnaha kale ee caloosha ayaa kasoo dhaqaaqay midig oo yimid bidix .. Wadnaheeda, waxa uu ku sugnaa goobtii loogu talogalay ee ah bidixda," ayay sheegeen.

Waa markii ugu horeysay oo cilmi baaris noocaan ah ay soo bandhigaan dhakhaatiir. "Kuma doodeyno in geerideedu sababtay tani … balse waa xaqiiqada aan ogaanay," ayay raaciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM