Hishiis dhexmaraya waddamada Pakistan iyo India

Image

10 December, 2015(GO)-Wasiiradda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalalka India iyo Pakistan ayaa ku dhawaaqay inay ka wada hadlayaan khilaafka mudada u dhaxeeyay.

Kulan labada hogaamiye ku dhexmaray magalada Islamabad, ayaa laga soo saaray qoraal wadajir ah, waxaana ku dhignaa ina laga wada-xaajoodo arrimaha lagu muransanyahay, gaar ahaa gobolka Kashmiir iyo weerarada argagixiyo ee ka tallaaba xuduudada labada dhinac.

Hishiiskan, ayaa yimi ka dib markii Ra'isal wasaarayaasha labada dal, Narendra Modi iyo Nawaz Sharif, ku kulmeen shir looga hadlayay cimilada Adduunka.

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dal ayaa bur buray 2008-dii markaasoo kooxo mintidiin ah weeraro ka fuliyeen magalada Mumbai.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM