Hogaamiyaha Shiinaha oo tagay Maraykanka

Image

23 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa gaaray magalada Seattle ee waddanka Maraykanka, taas oo bilow u ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago tani iyo markii xilka loo doortay.

Mr Xi Jinping waxa uu seddax maalin joogi doonaa magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono ganacsato iyo dadka tiknolojiyadda ka shaqeeya.

Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo kan shiina ayaa kulan looga hadli doono arrimo badan ku yeelan doona Magalada Washington.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Wall Street ka hor booqashadiisa, Madaxweyne Xi waxa uu caddeeyay in labada si wadajir ah u shaqeeyaan, isagoo meesha ka saaray dagaalka labada hogaamiye.

Labada dalka, Shiinaha iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya loollan adag oo ku aadan dhaqaalaha adduunka.
 

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM