Hogaamiyaha Suuriya oo qaadacay kulankii mucaaradka dalkaasi

Image

12 December, 2015(GO)-Bashaar Al-Asad ayaa kulankii Riyaad ee mucaaradka Suuriya ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isla markaana ku sifeeyay daba dhilifyo u shaqeeya reer Galbeedka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa xusay inaysan aqbaladi doonin mucaaradka ku hishiiyay in Bashaar uu baneeyo jagada isla markaana dhammaan is-casilaan xubnaha kale  ee dowladda waddankaasi.

Kulan dhawaan ka dhacay magalada Riyad ayaa waxaa isugu yimi hogaamiyaasha mucaaradka Suuriya, waxayna isku afgarteen is la sameeyo dowladda ku meel gaar ah oo dalka gaarsiisa Xukuumad loo dhanyahay.

Arrintaasi, waxaana durba taageeray dowladda Maraykanka oo sheegtay inay wadada u xaarayso iyo hishiis iyo xasilooni ka dalata waddanka la daala dhacaya qalalaasaha siyaasadeed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM