Hogaamiyaha Suuriya oo qaadacay kulankii mucaaradka dalkaasi

Image

12 December, 2015(GO)-Bashaar Al-Asad ayaa kulankii Riyaad ee mucaaradka Suuriya ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isla markaana ku sifeeyay daba dhilifyo u shaqeeya reer Galbeedka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa xusay inaysan aqbaladi doonin mucaaradka ku hishiiyay in Bashaar uu baneeyo jagada isla markaana dhammaan is-casilaan xubnaha kale  ee dowladda waddankaasi.

Kulan dhawaan ka dhacay magalada Riyad ayaa waxaa isugu yimi hogaamiyaasha mucaaradka Suuriya, waxayna isku afgarteen is la sameeyo dowladda ku meel gaar ah oo dalka gaarsiisa Xukuumad loo dhanyahay.

Arrintaasi, waxaana durba taageeray dowladda Maraykanka oo sheegtay inay wadada u xaarayso iyo hishiis iyo xasilooni ka dalata waddanka la daala dhacaya qalalaasaha siyaasadeed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM