Hogaamiye afgembi lala xiriiriyey oo cadaadis lagu bilaabay

Image

TUNIS, Tunisia - La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta.

Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi.

Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad.

Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta.

VOA + Reuters

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM