Hoggaamiyihii ururka IS ee Liibiya oo la dilay

Image

15 November, 2015(GO)-Wasaaradda gaashandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka  dhanka cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka IS ee dalka Liibiya.

Afhayeenka Pentagon Peter Cook ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarkaasi lagu bartalmaansaday Abu Nabiil oo u dhashay dalka Ciraaq.

Afhayeenka ayaa sheegay in Abu Nabiil uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka IS ee faraca dalka Liibiya, kuna tilmaanay in uu ahaa afhayeenkii ururkaas ee ka soo muuqday muuqaal uu ururkaasi soo duubay kaddib markii uu qoorta ka gooyey dad masiixiyiin ah oo dalkaasi lagu dilay.

Afhayeenka ayaa sheegay in geerida Abu Nabiil ay wiiqidoono awoodda ururka IS ee faraca dalka liibiya, iyadoo weerarkan cirka ee uu Mareykanka ka fuliyey dalka Liibiya uu yahay kii ugu horreeyey ee uu ku qaado faraca ururka IS ee dalka Liibiya.

Xigasho: VOA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM