Hooyo Todoba Caruur Ah Isku Mar Dhashey

Image
Image

DIYALI, Ciraaq - Hooyo cusub ayaa caafimaadkeeda fiican yahay kadib markii Todobo caruur ah si caadi ah isku mar u wada dhashey. 

Hooyadaan 25 jirka oo aan magaceeda la shaacin ayaa ku dhashey caruurtaan Isbitaal ku yaal gobolka Diyali  bariga dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Isbitaalka ayaa sheegey in Hooyada, Lix gabdhood iyo walaalkood uu caafimaadkooda fiican yahay. 

Caruurta Aabahood Yuusuf Fadi ayaa xusey in isaga iyo xaaskiisu aysan qorsheysan qoys baaxad weyn hadana ay sugeyso koriimada Toban caruur ah. 

Arinkaan mid lamid ah ayaa ka dhacdey dalka Lubnaan maalmo ka hor kadib markii Hooyo ku dhashey Isbitalka la yiraahdo Saint George University Sadex Gabdhood iyo Sadex Wiil. 

Markii ugu horeysay caruur tiro ahaan dhalato aduunka waxay aheyd sanadkii 1997 dalka Mareykanka. 

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM