ICC oo baareysa "dambiyada dagaalka" ee dhulka Falastiinta

Image

NEW YORK, USA - Madaxa dacwad oogaha ee maxkamada caalamiga ee dambiyada ayaa sheegtay Arbacada maanta ah ay bilawday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dambiyada la sheegay in ay ka dhaceen dhulka Falastiin ee xooga lagu haysato, talaabadaas oo ay si weyn uga soo horjeedo Israel.

Fatou Bensouda ayaa bayaan ay soo saartay ku xustey in baaritaanka lagu sameyn doono “si madax banaan, eex la’aan iyo ujeedo la’aan, cabsi la’aan iyo gacan-bidaxeyn la’aan”.

"Maanta, waxaan xaqiijinayaa in xafiiska dacwad oogaha ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada uu bilaabay baaritaanka ku saabsan xaaladda Falastiin," ayay tiri Bensouda.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Baaritaanku wuxuu dabooli doonaa dambiyada ka dhaca gudaha xukunka Maxkamadda ee loo haysto in lagu galay Xaaladda tan iyo 13-kii Juun 2014."

Maamulka Falastiin (PA) wuxuu soo dhoweeyay baaritaanka dacwad oogaha.

"Waa tallaabo muddo dheer la sugayay oo u adeegaysa Falastiin iyo dedaaladda daal la'aanta ee baadigoobka caddaaladda iyo la xisaabtanka, kuwaas oo ah tiirarka lama huraanka u ah nabadda shacabka Falastiin ay raadinayaan una qalmaan", ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee PA.

Xamaas ayaa sidoo kale amaantay tallaabada ICC-da waxayna difaacday ficilkeeda.

"Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ICC ee ah in la baaro dambiyada dagaal ee Israel ay ka gashay dadkeena," Hazem Qassem, oo ah afhayeenka Xamaas ee Gaza, ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, isaga oo tibaaxay in ay tahay "tallaabo horay loo qaaday oo ku aaddan hanashada caddaaladda ee dhibbanayaasha dadkeenna".

Qassem ayaa ku soo xiray: "Iska caabinteenu waa mid sharci ah waxayna u timid inaan difaacno dadkeena. Dhamaan sharciyada caalamiga ah waxay ansaxinayaan iska caabin sharci ah".

Baaritaanka ayaa ku saabsan dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini'aadamka, wuxuuna saameynayaa ciidamadda Yahuuda ee xooga ku haysta Daanta Galbeed iyo darafyada hubeysan ee Falastiin, wallow uusan ahayn heer dowladeed kuna kooban yahay shasiyaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM