ICC: South Africa ha soo Xirto Al-Bashiir

Image

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ayaa ka codsaday xukumadda Koonfur Africa inay soo xirto Madaxweynaha Sudan Cumar Xassan Al-bashiir oo haatan ku suggan magaalada Johannesburg oo uu uga qeyb galayo Shir Madaxeedka Midowga Africa.

Maxkamadda ICC ayaa sheegtay in laba warqadadood oo lagu soo xiri karro Mr. Bashir ay horey u soo saartay. Mr. Bashiir ayaa ku eedeysan , Dambiyo dagaal, Xasuuq, inuu u ku amray ciidamada Sudan iyo Maleeshiyo Carbeed oo taageersan inay xoog ku maquuniyaan kacdoon hubesan oo looga soo horjeestay dowladiisa gobolka Darfur sanadkii 2003dii.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda gobolkaasi saboolka ah ay ku dhinteen 300,000 oo qof waxaana xaqooti uu ka dhigay in ka badan 2 malyuun oo qof. Dadka dagaalkaasi ku dhintay badankood waa dad rayid ah.

XIGASHO:VOA

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM