Iiraan oo eedeyn iyo digniin u dirtay Mareykanka

Image

TEHRAN, Iran – Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran, Mohammad Javad Zarif, ayaa Khamiistii ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu isku dayayo inuu ku been abuurto weerar ka dhan ah Iran, wuxuuna sheegay in Tehran ay si xooggan isku difaaci doonto.

Dhanka kale, lataliyaha militariga ee hogaamiyaha sare ee Iran ayaa Trump uga digay "in uusan dabaaldega sanadka cusub uusan Ameerikaanka ugu rogin in ay ku baroor-diiqaan magaalada New York".

Zarif ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka: “Intii uu la dagaalami lahaa dhibaatadda Covid ee Mareykanka, @realDonaldTrump iyo nacam-leeyeyaashiisa waxay balaayiin Doolar ku bixinayaan in ay gobolkeena keenan diyaaradaha dagaalka. Macluumaadyo sirdoon oo laga helayo Ciraaq waxay muujinayaan in la isku dayo dagaal been abuur ah".

Milatariga Mareykanka ayaa Arbacadii labo diyaaradood oo nooca wax ku gumaada Nukliyeer u diray Bariga Dhexe, talabadaas oo lagu qeexay fariin ay ku cabsi-gelinayaan Iiraan, balse diyaaradahan duqeynta geystay waxaa lasoo wariyey in ay dib uga baxeen gobolka.

Pentagon-ka ayaa Khamiistii shaaciyay in markabka xamuulka qaada ee Nimitz, oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, uu dib ugu laaban doono dekad aan la carabaabin kuna taala Mareykanka.

Xilli kalkii hore uu ka howlgalayay Bariga Dhexe, qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay in loo arko isku day lagu yareynayo xasaradaha ka taagan gobolka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray walaac iyo feejignaan dheeri ah oo ku saabsan waxa ay xoogagga ay taageerto Iran ay sameyn karaan inta lagu guda jiro sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii 3-dii Janaayo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen Ciraaq oo laguna dilay Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran Qassem Soleimani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM