Iiran oo soo riday diyaarad "jaajuus u ahayd Mareykanka"

Image

TEHRAN, US – Dowladda Iiraan ayaa maanta oo Khamiis ah waxay ku dhawaaqday in ay koonfurta dalkaasi kusoo rideen ciidamada kacaanka diyaarad nooca qumaatiga u kacda uu lahaa Mareykanka.

Wakaaladda wararka u faafisa wadankaasi ayaa baahisay in diyaaradda oo lagu toogtay meel ku dhow degmada Kouhmobarak ay ku jirtay hawada Iiraan ayna "basaas u ahayd xukuumadda Washington".

Balse Mareykanka oo ganafka u daruuray sheegashadaasi ayaa wuxuu tilmaamtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa MQ-4C Triton ayna lahaayeen ciidamada cirka ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo xiisada gobolka bariga dhexe ee labadaan dowladood ay cirka isku sii shareereyso isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo.

Isbuucii hore ayay ahayd markii Mareykanka uu Tehran ku eedeeyay in ay ka dambeysay weerar lagu qaadey Maraakiib kuwa shidaalka qaada ah oo lagu weeraray gacanka Cumaan.

Iiraaniyiinta oo eedeyntaasi qashinka ku duray ayaa cod dheer ugu tartarsiiyey Ameerikaanka ah in uu joojiyo "faafinta wararka been abuurka".

Falanqeeyayaasha ayaa ka digay sii socoshada is-qabqabsiga labada dowladood oo ay sheegeen in uu sababi karo dagaal, inkasta oo labada qaran ay meesha ka saarey iska hor-imaad.

Tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump waxaa maalinba maalinta xigta sii xumaanaya xiriirka Tehran iyo Washington, iyaga oo isku haya dano is-diidan oo Bariga Dhexe quseeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM