Ilaaliyihii gaarka ahaa ee boqorka Sacuudi Carabiya oo la toogtay

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Ilaaliyihii gaarka ee boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdicasiis, ayaa la toogtay kadib muran shaqsi ah, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Gaashaanle Sarre, Cabdicasiis al-Fagham, ayaa lagu khaarijiyey dekadda Badda Cas dhacda ee Jidda, halkaasi oo dowladda ugu wareegtay sababo la xiriira bilooyinka xagaaga.

Wakaalada wararka Sacudiga ayaa shaacisay in dilka al-Fagham uu yimid kadib markii saaxiibkii uu soo booqdey. Booliska ayaa waxa uu sheegay in weerarka afka ah uu dhexmaray.

Mamdouh bin Meshaal Al Ali, ninka lagu sheegay saaxiibkii, ayaa la tilmaamay in uu rasaasta bilaabay kadibna markii uu khaarjinta geystay uu diidey in uu isa soo dhiibo uuna isagu is-dilay.

Warbixinta Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ruux kale oo magaciisa lagu sheegay Filipino oo kamid ah ciidamadda ammaanka uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta labadda dhinac.

Al-Fagham ayaa durba loola cararay Isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday kolkii dambe dhaawaca soo gaarey. Mas'uuliyiin sar-sarre oo xukuumada Riyad ka tirsan ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka.

Dambiyada la xiriira dilalka ayaa aad ugu yar Sacuudi Carabiya, halkaas oo dil toogasho lagu qaado qof kasta oo toogasho sameeya.

Sanadkii 2017-kii, ku dhowaad 419 kiis oo ku saabsan shaqsiyaad iyaga is-dilay ayaa ka dhacay Sacuudiga, sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday xafiiska dambiyada iyo mukhaabaraadka ee UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM