Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay hadalkii Trump ugu gafay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay hadalkii bishii hore uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku weeraray shaqsiyadeeda iyo waddanka ay asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Xildhibaanadda ka tirsan Congress-ka, lagana soo doorto Minnesota oo Soomaalida ku badan tahay, ayaa xustay in Trump uu ka sheegay erayadaas "markii uu waayey wax fiican oo maamulkiisa uu ka sheego".

"Laakiin annaga runta waan ognahay, Soomaaliya waa waddan dhismayo, waa waddan rajo fiican aan ka leenahay in uu meel fiican gaaro, waa waddan niyadeena iyo qalbigeena ku nool," ayay tiri Ilhaan.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ilhaan in ay dooneyso in ay Mareykanka ka dhigto Soomaaliya oo uu ku qeexay "dal aan la ahayn boolis shaqeeya ayna ka jirin wax kala dambeyn dhexdana kaga jira fowdo".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la isku dayey in wax laga waydiiyo hadaladaas lagu qeexay "gef" ayaa ku adkeystay "in aysan diyaar u ahayn in ay waqti xaadirkaan ka falceliso dhawaqa Trump".

Ma ahan markii ugu horeysay oo hadalo noocaas ah uu Trump ka sheego Soomaaliya, waxaana jirta dhowr jeer uu u gefay.

Dhanka kale, Ilhaan ayaa tibaaxdey in ay ka shaqeyneyso in la joojiyo duqeymaha ay ciidamadda Mareykanka fuliyaan Soomaaliya "maadaama aysan kaliya dilin argagixisada, shacabna lagu waxyeeleeyo".

Sidda laga soo xigtay sharci-dejiyaha, waxaa socda qorshe ay doonayaan in ay magdhow ku helaan qoyasaska ay dhibaatada kasoo gaartay duqeymaha ciidamadda Mareykanka fuliyaan Soomaaliya.

"Ileyn sharciga caalamiga ah wuxuu dhigayaa in qofkii ay dowlad ku dishay si sharci darro ah in mag la siiyo," ayay hadalkeeda raacisay. "Balanteena waa in aan diidno wax kastoo wax noo dhimayo".

Talaabadan ayaa farxad-gelin doonta qoysas badan oo dhibaneyaal u ah weeraradda cirka Mareykanka geysto Soomaaliya oo bartilmaameedkoodu yahay kooxaha argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM