Ilhaan oo ka difaacday Soomaaliya hadalo gaf ah oo kasoo yeeray Trump

Image

WASHINGTON, United State – Ilhaan Cumar ayaa mar kale ciwaanada majaladaha qabsatay markii ay Talaadadii ku dhaleeceysay madaxweyne Donald Trump hadalo kasoo yeeray bishii Janaayo 2018-kii.

Eryadda Trump ayaa ahaa in wadamadda Haiti, El Salvador iyo qaar kamida dalalka ku yaalla qaaradda Afrika ay yihiin "kuwa aan marnaba lagu noolaan karin".

Iyadda oo ka hadlay isu soo bax lagu qabtay dibadda Aqalka caanka ah ee Capitol ayay Ilhan Cumar difaacday wadankeeda ay asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Gabadhaan tusaalaha u noqotay haween badan oo Muslimiin ah ayaa muujisay in ay aad ugu farax-san tahay in ay kasoo jeedo dalkaasi uu ku gafay Trump.

"Dalalka ay ku sheegayaan in aan lagu noolaan karin waxaa kasoo baxay dad sharaf ah, mushtamaca kalena ay sharfaan," ayay tiri, sida laga soo xigtay muuqaal Facebook lagu baahiyey.

Ilhaan Cumar oo sagaashameeyadii qaxootinimo ku gashay Mareykanka ayaa Aqalka Wakiilada Mareykanka ku metasha gobolka Minneapolis, ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Iyada oo sii hadlaysa ayay weerar afka ah si maldahan ugu qaadey Donald Trump oo ay ku tilmaamtay "daneyste iyo shaqsi ay bini'aadanimadu ku yar tahay".

"Haa waan ahay qaxooti … xaaladeena kuma milmaan wanaaga balse naguma yara bini'aadanimada, mana difaacno ganacsiga," ayay ku durtay Trump.

Xildhibaanad Ilhan Cumar iyo Donald Trump ayaa waxaa dhowaanahaaba ka dhaxeeyay dagaal dhinaca afka ah, kaasi oo maalinta maalinta kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM