Ilhaan oo ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi hooyadii la khaarijiyey

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar, oo kamid ah xeer-dejinta Mareykanka, ayaa waxay ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi ay hooyadii ku geeriyootay weerarkii daaraha mataanaha ee Mareykanka.

Duulaankaasi oo dhacay sanadkii 2001-dii, dhowaana laga xusay guud ahaan dalweynaha Mareykanka, ayaa waxaa geysatay kooxda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Ruux la sheegay in ay hooyadii ku naf-weysay dhacdadaasi ayaa wuxuu aad u dhaliilay hadalo ay Ilhaan ka yiri musiibadaasi.

Erayadaas oo kasoo yeeray bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayaa waxay ku aadanayeen "in dad yar ay ka dambeyeeen ficilkaas".

Iyadda oo iska difaaceysa eedeynta ruuxaasi ayaa waxaa sheegtay in ay waajib ku tahay in ay tiiraanyadda la wadaagto ehelada xubnooda ku waayey mashaqadaasi galaafatay laba kun oo qof.

"Ameerikaan badan ayaa xuquuq helay kadib dhacdadaasi, kuwaasi oo haatan haysata," ayay hadalkeeda raacisay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed balse qaadatay dhalashada Mareykanka, ayaa waxay dhaleeceyn culus ku muteysatay hadaladaasi ay tiri, taasi oo sabab uga dhigtay in ay la kulanto hanjabaadyo dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM