"Xiriirkeyga guur wuxuu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn"

Image

WASHINGTON, US - Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi.

Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

"Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn," sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka. Sidoo kale, waa Soomaaligii ugu horeeyay ee darajadaas gaara.

BBC + GO

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM