Imaaraadka Carabta oo dhimaya ciidamada ka jooga dalka Yemen

Image

ABU DUBAI, UAE – Mas'uul sare oo u hadlay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu shaaciyey in ay dhimayaa ciidamada ka jooga waddanka Yemen.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlaya magaaladda Abu Dubai ayuu shaaca ka qaadey in ay tani la xiriirto "xaalado istaraatiijiyad".

Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in ay door firfircoon ka cayaarayaan howlgalka Sacuudiga hogaamiyo ee dalkaasi ka socda.

Ma uusan soo bandhigin tirada askarta ay dhimayaan, hasa ahaatee wuxuu qeexay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u fulin doonan talaabadan.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh dagaalka ka dhanka ah Falaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi Carbeed.

Talaabadan ayaa imaanaysa xili colaada iyo xiisada dalkaasi ka taagan ay kasii dareyso, isla markaana dagaalo goos-goos ah ay dhacayaan.

Maleyshiyaadka uu hogaamiyo Jenaraalka Khaliif Xaftar ayaa magaalooyin horleh qabsaneysa, taasoo walaac badan abuurtey.

Sikastaba, isbaheysiga uu horkacyo Sacuudi Carabiya ee ay kula dagaalamayaan kooxda ay Iiraan barataarto ayaa bilowday bishii Maajo sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM