IMF oo ka digtay "khatar" kusoo fool leh dhaqaalaha aduunka

Image
Halistan ayay sheegtay in ay ka dhalan doonto dagaalka Ruushka ku qaadey Ukraine.

WASHINGTON, USA - Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa Sabtidii wuxuu cod dheer kaga digay "saameyn halis ah" oo kusoo fool leh dhaqaalaha adduunka sababtoo ah dagaalka Ukraine.

"In kasta oo xaaladdu ay aad u kacsan tahay, ra'yiguna uu ku salaysan yahay hubanti la'aan aan caadi ahayn, cawaaqibka dhaqaale ayaa durbaba aad u daran," ayay IMF ku tiri war qoraal ah.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay bogga internet-ka ee sanduuqa ayaa waxaa la raaciyey: "Haddii isku dhacu uu sii xumaado, dhaqaaluhu wuxuu noqonayaa mid aad u xun."

"Qiimaha tamarta iyo badeecadaha ayaa sare u kacay," ayaa lagu yiri bayaanka, taasoo sii kordhinaysa sicir bararka jira. Cunaqabataynta baahsan ee hadda saaran Ruushka ayaa sidoo kale yeelan doonta cawaaqib xumo.

Wadamada xiriirka dhaqaale ee dhow la leh Ukraine iyo Ruushka ayaa si adag loo garaaci doonaa, IMF ayaa sheegtay, iyadoo khatar gaar ah ay ka dhalan doonto xaaluf iyo khalkhal dhanka saadka ah oo ay ugu wacan tahay qulqulka qaxootiga.

Madaxa fulinta ee IMF ayaa kulmay Jimcihii si ay uga wada hadlaan saameynta dhaqaale ee dagaalka. Guddiga ayaa la filayaa inay mar kale kulmaan toddobaadka soo socda si ay u qiimeeyaan codsiga Ukraine ee $ 1.4bn (£ 1bn) ee maalgelinta degdegga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM