Imran Khan: Xijaabka wuxuu noqday hubka Islaam-naceybka

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa waxa uu si adag uga hadlay Islaam-naceybka kusii baahaya aduunka.

Isaga oo ka hadlayey shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Khan ayaa shaaca ka qaadey in Xijaabka uu noqday hub loo adeegsado arrintan.

"Islaam naceybka wuxuu sababayaa kala qeyb-sanaan, Xijaabka wuxuu noqday hubka kaliya ee loo maro," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Inta badan dhacdooyinka la xiriira qaddiyadan oo sanadkan 2019-ka kordhay ayaa waxaa laga soo wariyaa wadamada reer Gabeedka.

"Islaam-naceybka wuxuu sababayaa xanuun; waxaana uu yahay mid sii xumaanaya," ayuu raaciyey wasiirka koowaad ee xukuumadda Islamabad.

Sidda laga soo xigtay Khan, xorriyadda hadalka waa halka loo maro in loogu gafo Diinta Islaamka iyo Suubanaheena Nabi Maxamed [NNKH].

"Islaamka waa lagu faquuqay [wadamadda reer] Galbeedka; waxaana loo aqoonsaday Diin aan dulqaad lahayn," ayuu daba dhigay.

Khan ayaa safka hore kaga jiray liiska hogaamiyeyaasha caalamka ee sida u furan uga dhiidhiya xadgudubyadda ka dhanka ah dunida Islaamka.

"Ha u adeegsanin xorriyadda hadalka in aad nagu xanuun-jiso wax ku saabsan Nabigeena barakeysan," ayuu hadalkiisa kusoo xiray ra'iisul wasaare Imran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM