In ka badan shan kun oo qof oo lagu xiray guud ahaan Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan 5,600 ayaa xabsi loo taxaabay guud ahaan Mareykanka tan iyo markii ay qarxeen banaanbaxyada sababay dhimashadda George Floyd, sidda ay ku warameyso Associated Press [AP].

Dadka la xiray badankooda waa banaanbaxayaal. Sidda xogta ku xusan, qaarkood waxaa laga soo qabtay gobolo aysan kasoo jeedin.

Warbixin kasoo baxday booliska ayaa sababta loo xiray shaqsiyaadkaas ku sheegtay in ay ku lug-yeesheen rabshado iyo xatooyo.

Minneapolis, oo ah meesha Floyd oo ku geeriyooday, ugu yaraan 155 ruux ayaa jeelka loo dhaadhiciyey. Mid kamid ah magaalooyinka dadka ugu badan lagu xiray waxaa kamid ah New York City oo ah ku dhowaad 800.

Los Angeles ayaa sidoo kale lagu xiray in ka badan 900. Illaa iyo haatan ma cadda, hadii maxkamad lasoo taagi doono iyo in la dacweynayo.

Trump oo ku goodiyey in ciidanka milatariga ee ka hortaga rabshadaha lagu daabulayo magaalooyinka hadii isbedel sameyn waayaan mudaahadarayaasha ayaa gaabis ku eedeeyay gudoomiyeyaasha.

Dibad-baxayaasha ayuu ku dhaliilay in aysan si nabad ah u banaanbaxayn isla markaana aan loogu dulqaadan karin in ay caradooda u adeegsadaan burburinta hantida dadweynaha, talaabadaas oo si adag uga digay.

Dilka George Floyd oo shaqadda looga eryay afar sarkaal boolis loona xiray sarkaal kale ayaa kamid ahaa bulshada madow ee Mareykanka, kuwaas oo ku andacooda in ay kala kulmaan dhigooda cadaanka ah takoor balaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM