​In kabadan 30 ruux oo Ciraaq lagu dilay

Image

Naftiis hore isku soo rakibay walxaha qarxa ayaa bartilmaameed saday garoonka kubadda Cagta lagu dheeloo oo ku yaalla Koonfurta magalada Iskandariya, waxaana weerarkaasi ku dhintay in kabadan 30 qof.

Duqa magaalada Iskandariya ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa, kaasi oo ku howlanaa abaalmarintii goobta laga bixiniyay.

Qaraxan, ayaa dhacay xilli koob lagudoonsiinayay mid kamid ah kooxihii garoonka ku cayayraysay ee guulasatay.

Dadka dhintay, ayaa u badnaa shacabkii usoo daawasho tagay ciyaartaasi oo xalay dhacday.

Weerarkaasi, waxaa sheegatay kooxda isku magacowday khilaafada Islaamiga ah ISIL.

Dhinaca xukuumadda dalkaas ma jirto cid falkan ka hadashay, balse waxaa durba goobta soo gaaray kooxaha gurmadka oo dhaawacyada iyo maydadka goobta ka aruuriyay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya mid kamid ah cayaartoyda oo arruurinaya goo-go'a jirka dadkii goobta lagu dhibaateeyay.

Weerarkan,  ayaa qayb ka ah colaad muddo soo taagnayd, waxaana dagaallada qaybtood ku salaysnaayeen mad-habyo diimeed, iyadoo xusid mudantahay in Ciraaq ku dhex dagaallamaan kooxo kala taabacsan Shiicadda iyo Sunnida dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM