​In kabadan 30 ruux oo Ciraaq lagu dilay

Image

Naftiis hore isku soo rakibay walxaha qarxa ayaa bartilmaameed saday garoonka kubadda Cagta lagu dheeloo oo ku yaalla Koonfurta magalada Iskandariya, waxaana weerarkaasi ku dhintay in kabadan 30 qof.

Duqa magaalada Iskandariya ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa, kaasi oo ku howlanaa abaalmarintii goobta laga bixiniyay.

Qaraxan, ayaa dhacay xilli koob lagudoonsiinayay mid kamid ah kooxihii garoonka ku cayayraysay ee guulasatay.

Dadka dhintay, ayaa u badnaa shacabkii usoo daawasho tagay ciyaartaasi oo xalay dhacday.

Weerarkaasi, waxaa sheegatay kooxda isku magacowday khilaafada Islaamiga ah ISIL.

Dhinaca xukuumadda dalkaas ma jirto cid falkan ka hadashay, balse waxaa durba goobta soo gaaray kooxaha gurmadka oo dhaawacyada iyo maydadka goobta ka aruuriyay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya mid kamid ah cayaartoyda oo arruurinaya goo-go'a jirka dadkii goobta lagu dhibaateeyay.

Weerarkan,  ayaa qayb ka ah colaad muddo soo taagnayd, waxaana dagaallada qaybtood ku salaysnaayeen mad-habyo diimeed, iyadoo xusid mudantahay in Ciraaq ku dhex dagaallamaan kooxo kala taabacsan Shiicadda iyo Sunnida dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM